Skip to content

Barnahus Älvsborg

Dhibaatada jirka ama xanuunka uu keeno marka wax lagugu dhufto, lagu laado, lagu qanjiiriyo, ama lagu riixo waxa loo yaqaanaa waxyeelo. Qofka dhahaaya waxyaalo xunxun ama hanjabaadyo kuwaas oo kaa dhigta qof xanaaqsan ama murugooda ayaa taasi sidoo kale ah waxyeelo. Haddii qof wayni uu ilmo u galmoodo ayay, tani tahay nooc ka mid ah waxyeelada oo loo yaqaano xadgudub galmada. Carruurtu waxa dagaal loogu geysan karaa siyaabo kala duduwan – guriga dhexdiisa, dugsiga, internetka, ama waqtigooda firaaqada. Carruurtu waa inay had iyo jeer awoodaan inay “maya” dadka waaweyn iyo carruurta kale ku dhahi karaan, waana in loo oggolaado inay ka hadlaan haddii ay dareemaan inuu wax qalad yahay. Carruurtu waxay marwalba xaq u leeyihiin inay ka hadlaan sida ay yihiin iyo inay cid u sheegaan haddii uu qof waxyeelo u geystey. Dadka waaweyni waxay leeyihiin masuuliyad ay iyaga ku dhagaysaneyaan oo ay ku hubiyaan inay caawimo helaan.     

Marka ilmo ama qof dhalinyaro ahi yimaado Barnahus, taasi waxa weeye in qof weyni uu ka walaacsan yahay fayoqabkooda iyo daryeelkooda. Ujeedada Barnahus waa in ilmaha la dhigo bartamaha nidaamka baaritaanka ee jawi nabdoon ee caruurta u roon. Carruurta loo maleynayo in loo geystay waxyeelo iyo xadgudubka waa inaan la isagu gudgudbin hay’adaha dowladda ee kala duwan dhexdooda iyadoo laga dhigo qaar kolba sheekadooda ka sheekeeya. Waxa Barnahus dhexdeeda xirfadleydu ugu yimaada ilmaha iyadoo danaha ilmaha marwalba waxkasta laga horeysiiyo.

Adeegyada bulshada, booliiska, xeer-ilaaliyeyaasha, dhakhaatiirta ka socda qeybta caafimaadka carruurta, iyo dhakhaatiirta cilmi-nafsiga ee ka socda BUP ayaa hal saqaf hoostiis Barnahus loogu wada keenaa. Adeegyada bulshadu waxay baaraan baahida ilmaha ee ilaalinta iyo taageerada. Boolisku waxay baaraan in ilmaha dambiga loo geystay. Waxa Barnahus sidoo kale jooga xeer-ilaaliyaal, dhakhaatiir iyo dhakhaatiirta cilmi-nafsi. Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa dhamaan wixii go’aamo ah ka gaara baaritaanka hordhaca ah ee booliiska ee dambiyada ka dhanka ah caruurta. Tusaale ahaan, waxay go’aaminayaan in ilmahu uu boolisku wareysto, iyo in ilmaha wareysi laga qaadi karro iyada oo aan waalidkii la joogin. Marka su’aal lagu qaadaayo, ayaa ilmaha la keenayaa Barnahus halkaas oo ay la hadlayaan askar boolis ah ee wax su’aalaaya . Tan waxa loo yaqaanaa wax su’aalidda carruurta. Wada hadalka ilmaha lala sameynaayo ayaa la duubayaa, iyadoo dadka kale ee ka socda adeegga bulshadu ay wareysiga kala socon karaan telefishan yaala qol ku dhow. Habkan oo kale, ayuu ilmahu uu ka fogaanayaa inaanu maxkamad ka dhex hadal iyadoo uuna ka fogaanaayo inay sheekadooda mar labaad dib ugu soo celiyaan. 

Ilmo kastaa waxa uu xaq u leeyahay bay’ad guri oo ka xor ah waxyeelo iyo xadgudub. Waa masuuliyada saaran masuulkooda inuu hubiyo in baahidooda iyo xuquuqdooda la siiyo.